Ooraah qeexidda
Aragtida caddaaladda luqadda
Xaaladdan oo kale, waxay macnaheedu tahay in mowqifka ururka ee ku salaysan caddaaladda luqadda uu ka caawino in la xaqiijiyo sidii baahidooda loo waafajin lahaa bay’adda, walxaha, adeegyada iyo wada iriiridda si ay uga qaybgeliso dad badan ayadooon loo eegin luuqad.
Bulsho caddaalad ka ah luuqadda
Taas macneheedu waxa weeye inay jiraan oo la abuurayo dhawr meelood oo qof walba la siinayo fursad uu ku muujiyo shakhsiyaddiisa oo dhammaystiran oo uu uga qaybqaato si siman iyada oo aan loo eegin luqaddaha ay ku hadlaan (Tahrir).
Caddaaladda luqadda
Waxay ku saabsan tahay xuquuqa ah inuu qofku maqlo, cabbiro oo lagu fahmo luqadda uu qofku ku qanacsan yahay inuu yaqaano (Tahrir).
Caqabadaha adag ee luuqadda
Waxaa loola jeedaa caqabadaha jira ama loo sameeyay si ayna dadka aan isku luuqadda ahayn u wada xiriiri karin.
Dhawr luuqadood
Waxaa loola jeedaa luqaddo badan.
Dhawr luuqadood ku hadlid
Tan waxay mannaheedu tahay in la isticmaali karo wax ka badan hal luqad.
Funktionsnedsättningsrörelsen/ Dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafooyinka
Waa magac lagu soo koobay ururada loogu tala galay/ama ay leeyihiin dadka naafada ahi.
Goobta kulanka
Waa meel ay dadku ku kulmaan, waa meel ay dadku si ikhtiyaari ah isugu yimaadaan si qofku bulsho u helo. Goobtaasi waxay noqon kartaa mid dadku si fool ka fool ah u kulmaan iyo/ama mid dhijitaal ahaan lagu kulmo labadaba.
Iska imanaya wakhtiga uu doono (drop in)
Waa meel hawli ka socoto oo uu qofku kula kulmi karo qof meesha ka hawlgala/xirfadle isagoon ballan hore u sii qabsan. Xaaladdan oo kale, waxay ku saabsan tahay in lala kulmo qof khibrad u leh taageerada dadka naafada ah.
Ka qaybgelidda Ka qaybqaatayaasha
Xaaladdan oo kale waxay macnaheedu tahay in dadka naafada ah ee aan afkooda hooyo ahayn Iswiidhishka, ay mashruuca uga qayb qaadan karaan tusaale ahaan in ay qorshayaan iy oinay fuliyaan hawsha iyo/ama qiimeeyaan.
Kaabayaasha luuqaddaha badan
Xaaladan oo kale waxay macnaheedu noqonaysaa in waxqabadka iyo hawlaha mashruucu u fidiyo ka qaybqaatayaasha lagu helo loona isticmaalo luuqada kala duwan.
La heli karo
Tan waxay macnaheedu tahay in bay’ada, walxaha, adeegyada iyo isgaarsiintu u fududahay dadkoo dhan in ay gaari karaan ama ay isticmaali karaan.
La xiriira
Nidaamyada sharciyada adag ee wax lagu maamulo Waxaa jira xeerar maamula xiriirka u dhexeeya dadka shicibka ah iyo hay’addaha.
Liisaska u suuro gelinta soo gelida iyo isticmaalka
Taas macneheedu waxa weeye in aanu hayno liisas shuruudo ku qoran yihiin oo ay tahay inuu buuxiyo lookaalka/xarunta aanu ku suganahay ee aanu ka hawlgeleynaa. Shuruudaha ayaa loogu talagalay xaalado gaar ah oo ay tahay in aanu tixgelino si ay dad badani u dareemaan in lagu soo daray oo ay ka qaybqaataan waxqabadyadayada intii suurtogal ah. Iyadoon loo eegayn naafonimada qofka na soo booqanaya uu qabo.
Loo dhan yahay
Tan waxay macnaheedu tahay in la waafajiyo deegaanada, walxaha, adeegyadayada iyo isgaarsiinta si ay ugu mid noqdaan dad badan intii suurtagal ah.
Loo dhan yahay
Tan waxay macnaheedu tahay in baahidooda la waafajiyo, walxaha, adeegyadayada iyo isgaarsiinta si ay dadka ugu badani ugu mid noqon karaan.
Luuqaddaha badan
Luuqaddaha badan: Waxaa loola jeedaa luqaddo badan.
Luuqaddo badan
Tan waxay mannaheedu tahay in la isticmaali karo wax ka badan hal luqad.
Naafanimo
Naafanimadu waa laxaad la’aanta awoodda jireed, maskaxeed ama mid dhinaca garaadka. Naafanimadu waxay ka dhalan kartaa cudur ama xaalad kale ama dhaawac ku yimi markuu qofku dhalanayey ama ku yimi nolosha goor dambe (Socialstyrelsen).
Oggolaanaya
Oggolaanaya Taas macneheedu waxa weeye inuu qofku oggolaansho bixiyo si hawl loo qabto. Tusaale ahaan, waxaanu la hadli karnaa qaraabadaada keliya haddii aad adigu si cad noogu sheegto in aanu sidaa yeeli karno.
Racfaan ka qaadasho
Waa fal uu qofku samayn karo si uu u codsado in arrintiisa dib markale loogu fiiriyo marka aanu qofku ku qanacsanayn go’aan ka soo baxay hay’ad ama xukun maxkamadeed.
Saamayn ku yeelanaya/shaqada saamayn ku yeelashada
Xaaladdan oo kale, waxaanu rabnaa in aanu isku dayno in aanu wax ka beddelno jilaayaasha kale si ay u horumariyaan sida loola dhaqmo dadka naafada ah ee aan ku qanacsanayn aqoonta luuqadda iswiidhishka.
Förvaltningslagen/ Sharciga maamulka
Wuxuu nidaamiyaa habka ay hay’adduhu u maaraynayaan ka baaraandegida arrimaha kala duwan ee soo mara.
Taageerada ka qaybgalayaasha luqadaha badan
Xaaladdan oo kale, waxay macnaheeda noqonaysaa in dadaalada iyo aktiifiteetyada aanu u siino ka qaybgalayaasha mashruuca inay jiraan oo lagu isticmaali karo luqaddo kala duwan.
Turjumaan
Qofka suurtagelinaya xidhiidhka ka dhexeeya laba qof ama in ka badan oo ku hadla luqaddo kala duwan.
Turjumid ka feerhadal ah
Turjumaada waxa la fuliyaa isla marka uu qofku hadaka jeedinyaa hadlayo. Qalab aan fiilo lahayn ayaa badanaa loo baahan yahay kaas oo mashruucu nidaaminayo.
Turjumid isku mar ah/ka feer hadal ah
Turjumaada waxa la fuliyaa isla marka uu qofku hadlayo. Qalab aan fiilo lahayn ayaa badanaa loo baahan yahay kaas oo mashruucu nidaaminayo.
Waafajinta helitaanka
Xaaladdan oo kale, waxay ku saabsan tahay in dhismaha/lookaalka la dayactiray oo lagu rakibay qalab gaar ah si ay u sahlanaato in dad badan gaari karaan ama ay isticmaali karaan.
Wada-shaqayn
Marka laba dhinac ama in ka badan ay si wadajir ah u qabtaan hawlo si ay u gaadhaan ujeeddo iyo faa’iido guud.
Wada-shaqayn
Wada-shaqayn waa marka laba dhinac ama in ka badan ay si wadajir ah u qabtaan hawlo si ay u gaadhaan ujeeddo iyo faa’iido guud.
Waxqabadka teegeeridda
Waa tallaabooyin aanay dadka oo dhami heli karin, waxay gaar u yihiin dadka buuxiya shuruudaha qaarkood oo leh baahiyo la taaban karo. Waxaa loogu talagalay inay xoojiyaan kartidaada waxqabad ama ay kaa caawiyaan inaad si ka fiican uga bixi karto caqabadaha iyo dhibaatooyinka aad kala kulanto nolol maalmeedkaaga.