Tahrir – Caddaaladda luqadda
Sida uu qabo sharciga maamulku, waa inay hay’adduhu adeegsadaan turjubaano oo ay nuxurka dukumentiyada ka dhigaan qaar la heli karo haddii loo baahdo si dadka shakhsiyaadka ahi ay u helaan xuquuqdooda. Tani waxay khusaysaa shakhsiyaadka naafada ah/karaankoodudhian yahay taas oo aad u xadidaysa awoodda ay wax ku arkaan, ku maqlaan ama ku hadlaan.
Waxaa ku cad soo diyaarinta sharigaan in xeerku uu ku saabsan yahay in dadka naafada ah loo fududeeyo inay ka qaybqaataan kiisaska, ilaalinta xaqa ay u leeyihiin inay ka qaybqaataan oo ay fahmaan nuxurka kiiska iyo in iyaga la fahmo marka ay la xiriirayaan hay’addaha.
Tahrir waxay ka shaqaysaa in la gaaro bulsho luuqad ahaan caddaalad ku dhisan iyagoo abuuraya goobo loo wada dhan yahay oo luuqado badan looga hadla halkaas oo qof walba la siinayo fursad uu ku muujiyo shakhsiyaddiisa buuxda ugana qayb qaato shuruudo isku mid ah.
Caddaaladda luuqaddu waxay ku saabsan tahay xaqa uu qofku u leeyahay inuu dhagaysto, sheegan karo laguna fahmo luuqadda uu qofku yaqaano. Waxay ku saabsan tahay in laga xoreeyo wada hadalka iyo iskaashiga caqabadaha luuqadda. Sidee ayeynu wadajir ugu abuuri karnaa bulsho wanaagsan haddii aynaan xitaa wada hadli karin?
Hay’adaha waxaa dhammaantood ku waajib ah inay dadka macaamiisha u ah ku siiyaan go’aamada iyo macluumaadka muhiimka ah si fahmi karaan. Tani waxay khusaysaa gaar ahaan daryeelka caafimaadka, inay dadka oo dhami xaq u leeyihiin inay fahmaan taageerada iyo daryeelka caafimaad ee ay heli karaan ama ay tahay inay helaan.
Markay dadku ka fekerayaan ku hadalka luqado dhawr ah, waxaa laga yaabaa inay u fahmaan inay ku saabsan tahay tarjumaada ama ballansashada turjubaanka, laakiin annaga intaas waa nagala ballaaran tahay. Waxay ku saabsan tahay xaq u lahaanshaha inuu qofku fahmo waxa laga hadlayo isna la fahmo oo si dhab ah loo qaato xaqaas.
Sidee ayeynu u baahanahay in aynu u shaqeyno haddaba? Waxay ku saabsan tahay fahamka ah sida ugu wanaagsan ee aan turjubaan u qaban karno; in la siiyo wakhti ka dheeer wada hadalada la turjumayo si ay dadku uga gaaraan in ay is fahmaan; si loo helo habab kale oo wax loo arko, in la helo habab kale oo loo arko oo qiimayn la siiyo shaqaalaha ku hadla luqaddaha badan; si aynu u fahamno sida ugu wanaagsan ee aan u isticmaali karno aqoonta luqadda ee inoo jooga gudaha hay’addeena, ururka ama shabakada; ama in aynu qorno shaqaale ama dad tabbarucayaal ah si aynu u helno aqoon dheeraad ah oo ku salaysan luqaddaha badan.
Laakiin sidoo kale waxay ku saabsan tahay falanqaynta arrimaha luuqadda iyo awoodda. Waxaa jira dhowr sababood oo keenay in dadka wadamada kale ka soo jeeda ay matalaadoodu aad ugu yartahay dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafooyinka iyo gudiyadooda, halkaas oo luuqaddu tahay arrin muhiim ah. Haddii aanu abuurno habab lagu kulmo oo luuqaddo badan lagu hadlo, waxaynu awood u yeelan doonnaa in aynu cod siinno dadka naafada ah ee aan si fiican ugu hadalin luqadda iswiidhishka.
Gudaha ururka caddaalada luqadda ee Tahrir, waxaanu soo saarnay xalal looga gubayo caqabadahan. Mashruuca Olika men lika waxaanu gacan ka geysanaynaa isku taxallujinta sii wanaajinta qaabilaadada dadka naafada ah ee aan si fiican ugu hadal luqadda iswidhishka!
Ooraah qeexidda
Förvaltningslagen/ Sharciga maamulka
Wuxuu nidaamiyaa habka ay hay’adduhu u maaraynayaan ka baaraandegida arrimaha kala duwan ee soo mara.
La heli karo
Tan waxay macnaheedu tahay in bay’ada, walxaha, adeegyada iyo isgaarsiintu u fududahay dadkoo dhan in ay gaari karaan ama ay isticmaali karaan.
Loo dhan yahay
Tan waxay macnaheedu tahay in baahidooda la waafajiyo, walxaha, adeegyadayada iyo isgaarsiinta si ay dadka ugu badani ugu mid noqon karaan.
Dhawr luuqadood
Waxaa loola jeedaa luqaddo badan.
Dhawr luuqadood ku hadlid
Tan waxay mannaheedu tahay in la isticmaali karo wax ka badan hal luqad.
Funktionsnedsättningsrörelsen/ Dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafooyinka
Waa magac lagu soo koobay ururada loogu tala galay/ama ay leeyihiin dadka naafada ahi.