Wadashaqeynta turjubannada 

Ma leedahay waayo aragnimo ku shaqayn turjubaanimo mana rabtaa inaad qayb ka noqoto abuurista meelo ay dadku ku kulmaan oo ku wada hadlaan – iyada oo aan loo eegin luqaddooda hooyo ama kala duwanaanshaha ay leeyihiin ee dhinaca naafanimada? Markaa waanu ku soo dhawaynayaa in aad nala shaqeyso!  

Waxaad nagula shaqayn kartaa adigoo:  

Ma kuugu muuqataa mid xiiso leh? Fadlan nala soo xiriir annaga! Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad xiisaynayso ama aad danaynayso caddaaladda luqadda iyo arrimaha la xiriira naafanimada.  

Macaluumaadka xiriirka:  

Nala soo hadal ama fariin noosoo dir, WhatsApp:  076 111 56 39  

Facebook och Messenger: @olikamenlika   

Instagram: olika.men.lika

Mónica Gallego – Hogaamiyaha mashruuca (Fasax waalidnimo ayay ku maqantahay) : monica.gallego@abf.se  

Asad Ahmed – Masuulka Maamulka iyo Maareynta: asad.ahmed@abf.se

Anna Bartfai – Masuulka waaxda wada shaqeynta iyo xidhiidhka: anna.bartfai@abf.se

Sofia Quiroga – Masuulka taageerada ka qayb qaatayaasha: sofia.quiroga@abf.se  

Sarah Sultani – La shaqeeya waaxda taageerada ka qayb qaatayaasha: sarah.sultani@abf.se

Ooraah qeexidda

Turjumaan

Qofka suurtagelinaya xidhiidhka ka dhexeeya laba qof ama in ka badan oo ku hadla luqaddo kala duwan.

Wada-shaqayn

Marka laba dhinac ama in ka badan ay si wadajir ah u qabtaan hawlo si ay u gaadhaan ujeeddo iyo faa’iido guud.

Turjumid isku mar ah/ka feer hadal ah

Turjumaada waxa la fuliyaa isla marka uu qofku hadlayo. Qalab aan fiilo lahayn ayaa badanaa loo baahan yahay kaas oo mashruucu nidaaminayo.

Caddaaladda luqadda

Waxay ku saabsan tahay xuquuqa ah inuu qofku maqlo, cabbiro oo lagu fahmo luqadda uu qofku ku qanacsan yahay inuu yaqaano (Tahrir).

Loo dhan yahay

Tan waxay macnaheedu tahay in la waafajiyo deegaanada, walxaha, adeegyadayada iyo isgaarsiinta si ay ugu mid noqdaan dad badan intii suurtagal ah.

Luuqaddaha badan

Luuqaddaha badan: Waxaa loola jeedaa luqaddo badan.

Skip to content