Taageerada ka qaybqaatayaasha 

Olika men lika waa mashruuc 3-sano  ah oo uu maalgeliyey sanduuqa dhaxalku  olika men lika waxaa wada ABF Malmö oo ay weheliyaan ururka Tahrir. Waxaanu ugu horeyn ka shaqeynaa Malmö, laakiin sidoo kalena Skåne iyo Iswiidhanba. 

Waxaanu la hadlaynaa dadka dareemaya inay caqabad tahay in si isku mid ah loo wajaho bulshada. Miyaad tahay qof naafo ah isla markaana waxaad ku hadashaa luqad ka duwan tan iswiidhishka oo waxaad dareemaysaa inay caqabad ku tahay inaad la kulanto hay’addaha iyo ururada bulshada Iswiidhan? Ma rabtaa in lagu fahmo marka aad ku hadlayso luqadda aad ku qanacsan tahay ku hadalkeeda?  

Markaa waxaanu annagu halkan u joognaa in aanu ku taageerno adiga. Kala duwan laakiin isku mid ah waxaanu bixinaa taageerada ka qaybgalayaasha oo dhawr luuqadood ah: Waanu ku taageeraynaa adiga, waxna si wadajir ah ayeynu u samaynaynaa, waxaanu u shaqaynaa lana shaqaynaynaa ka qaybqaatayaashayada. Intaa waxaa dheer, waxaanu ku shaqaynaa dhowr luqadood oo kala duwan sababtoo ah waxaanu rabnaa in qof walba uu dareemo in lagu soo daray hawlaha aanu qabano.   

Waxaanu halkaan u joognaa in aanu kaa taageerno, tusaale ahaan:   

– marka aad rabto inaad codsato waxqabad taageero ah laakiin aanad hubin sida la samaynayo  

– marka aad hesho go’aan ay adag tahay in la turjunto  

– marka aad u baahan tahay taageero si aad u gudbiso warqad racfaan ah.   

– Haddii aad ka shakisan tahay in ilmahaagu qabo autism laakiin aanad garanayn meesha aad la xiriirayso.   

– marka aad u aragto inay ku adagtahay la socodka waxbarashada iskuulka oo aanad garanayn sababta.’

Olika men Lika ayaa qabanqaabinaysa goob kulan halkaas oo aanu ku suurta gelino in aad kula kulanto dadka kale ee ku sugan xaaladaha aad ku sugan tahay oo kale. Halkan waad iman kartaa oo waxaad kula kulmi kartaa dad muxaadiro soo jeedinaya iyo booqdayaal ka kala socda ururo iyo hay’addo kale, waxaad fursad u haysataa inaad ka qaybgasho aqoon is-weydaarsiyo, arrimo kala duwan oo koox kóox ah ama aad ka cabto koob kafee iyo cunto fudud oo keliya . Dadka dhammaantood waa la soo dhawaynayaa, iyadoon loo eegayn naafanimadaada ama luqadda aad ku hadasho!

   

Waxaanu rabnaa in qofka ka qeybqaadanaya goobta kulanku uu dareemo in la arkayo oo uu ka mid yahay dadka. Sababtaas awgeed ayaanu u soo samaynay liisaskayaga u suurogelinta isticmaalka. Waxaa goobta jooga turjubaano si ay u suurto geliyaan una fududeeyaan isgaarsiinta si qof walba uga qayb qaato si shuruurdo isku mid ah. Goobta kulanku waa meel amni ah: waa lagugu soo dhawaynayaa iyadoon loo eegayn lab iyo dhedig, nooca hammiga jinsiga, aqoonsiga jinsiga is dhaafsan ama muujinta, da’daada, meesha aad asal ahaan ka soo jeedo ama diinta aad aaminsan tahay. Nala soo xiriir haddii aad rabto inaad na soo booqato, noo sheeg baahiyahaaga si aanu ”kuugu suuro gelino helitaankeena” intii aanu awoodno!   

Goobta kulanka waxaanu sidoo kale dadka u soo bandhignaa inay iska yimaadaan wakhtiga ay doonaan (drop in) Halkan waxaad fursad u haysataa inaad si gaar ah ula kulanto mid ka mid ah shaqaalaha mashruuca oo aad u sheegto xaaladaada ama aad waydiiso su’aal. Booqashooyinka wakhtii la doono la imanayo, waxaanu rabnaa inaad dareento ixtiraam iyo amni. Waxaanu leenahay in aanu wixii sir ah qarino, taas oo macnaheedu yahay in aanan cidkale la wadaagin waxa aad noo sheegto.   

Dhammaanteen waxaynu xaq u leenahay in aynu ku noolaanno nolol xor ah oo madax bannaan oo ku salaysan shuruudaheena!  

Ooraah qeexidda

Naafanimo

Naafanimadu waa laxaad la’aanta awoodda jireed, maskaxeed ama mid dhinaca garaadka. Naafanimadu waxay ka dhalan kartaa cudur ama xaalad kale ama dhaawac ku yimi markuu qofku dhalanayey ama ku yimi nolosha goor dambe. (socialstyrelsen/aamulka dhexe ee arrimaha bulshada)

Taageerada ka qaybgalayaasha luqadaha badan

Xaaladdan oo kale, waxay macnaheeda noqonaysaa in wax qabadkeena iyo hawlgalada aanu u fidino ka qaybgalayaasha mashruuca inay jiraan oo lagu isticmaali karo luqaddo kala duwan.

Waxqabadka teegeeridda

Waa tallaabooyin aanay dadka oo dhami heli karin, waxay gaar u yihiin dadka buuxiya shuruudaha qaarkood oo leh baahiyo la taaban karo. Waxaa loogu talagalay inay xoojiyaan kartidaada waxqabad ama ay kaa caawiyaan inaad si ka fiican uga bixi karto caqabadaha iyo dhibaatooyinka aad kala kulanto nolol maalmeedkaaga.

Racfaan ka qaadasho

Waa fal uu qofku samayn karo si uu u codsado in arrintiisa dib markale loogu fiiriyo marka aanu qofku ku qanacsanayn go'aan ka soo baxay hay’ad ama xukun maxkamadeed.

Goobta kulanka

Waa meel ay dadku ku kulmaan, waa meel ay dadku si ikhtiyaari ah isugu yimaadaan si qofku bulsho u helo. Goobtaasi waxay noqon kartaa mid dadku si fool ka fool ah u kulmaan iyo/ama mid dhijitaal ahaan lagu kulmo labadaba.

Liisaska u suuro gelinta soo gelida iyo isticmaalka

Taas macneheedu waxa weeye in aanu hayno liisas shuruudo ku qoran yihiin oo ay tahay inuu buuxiyo lookaalka/xarunta aanu ku suganahay ee aanu ka hawlgeleynaa. Shuruudaha ayaa loogu talagalay xaalado gaar ah oo ay tahay in aanu tixgelino si ay dad badani u dareemaan in lagu soo daray oo ay ka qaybqaataan waxqabadyadayada intii suurtogal ah. Iyadoon loo eegayn naafonimada qofka na soo booqanaya uu qabo.

Iska imanaya wakhtiga uu doono (drop in)

Waa meel hawli ka socoto oo uu qofku la kulmi karo qof meesha ka hawlgala/xirfadle isagoon ballan hore u sii qabsan. Xaaladdan oo kale, waxay ku saabsan tahay in lala kulmo qof khibrad u leh taageerada dadka naafada ah.

Oggolaanaya

Oggolaanaya Taas macneheedu waxa weeye inuu qofku oggolaansho bixiyo si hawl loo qabto. Tusaale ahaan, waxaanu la hadli karnaa qaraabadaada keliya haddii aad adigu si cad noogu sheegto in aanu sidaa yeeli karno.

Waafajinta helitaanka

Xaaladdan oo kale, waxay ku saabsan tahay in dhismaha/lookaalka la dayactiray oo lagu rakibay qalab gaar ah si ay u sahlanaato in dad badan gaari karaan ama ay isticmaali karaan.

Skip to content